Wararka laga helayo magaaladda Gaalkacyo ayaa sheegaya in magaalada maanta ay ka dhaceen afduubyo lagula kacayo dadka labada dhinac kasoo kala jeeda.
Mid ka mida ganacstada Qaadka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cari Toowo ayaa lagu afduubtay magaalada iyadoo loo kaxeystay dhinaca Koonfureed ee magaalada.
Ganacsato kasoo jeeda Koofurta Gaalkacyo ayaa dadaal weyn u gashay arrintan waxayna dib ugu celiyeen ninka la soo afduubtay dhinaca Waqooyi, iyadoo xoriyadiisii dib loogu soo celiyay xaflad goor dhow ka dhacday Hotelka Five Star ee magaalada Gaalkacyo.
Dhinaca kale rasaas goosgoos ah ayaa galabta laga maqlay Galbeedka magaalada Gaalkacyo oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.
Goobjooge.com