Waxaa socda baaritaanka askar iyo saraakiil la sheegay inay geysteen weerarkii shalay lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
41 askari oo laba kamida ay saraakiil yihiin ayaa loo xiray falkan kadib markii ay ka howlgaleen takiyaha ciidamadda xoogga dalka iyo taliska ciidamada NISA, waxaana la sheegay in baaritaanka ka dib maxkamad ciidan lasoo taagi doono.
Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in si degdeg ah loo fuliyay amarkii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa in si dhaqsi ah loo baaro falkaasi, isagoo xusay in ay socdaan baaritaan lagu hayo askar iyo saraakiil la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi lagu qaaday guriga Senator Cabdi Qeybdiid.
Ciidamada falkan ku kacay ayaa ah kuwa ay tababarreen Imaaraadka Carabta oo saldhig ku leh xero u dhow isbitaalka Xoogga, waxaana ujeedka ugu weyn ee baaritaanka uu yahay cidda bixisay amarka lagu galay guriga Qeybdiid.