Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa goor dhow ka bilowday duleedka degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, una dhow xuduudka Kenya.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay go’doomiyeen xero ay ciidamada Wasiir Janan ku lahaayeen duleedka degmada Beledxaawo, waxaana lasoo weriyey in dagaalku yahay mid culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsanayo.
Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa Beledxaawo, waxayna rasaastu gaartay dhinaca Mandhera Kenya, iyadoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka ka bilowday Beled Xaawo.
LA SOCO FAAHFAAHINTA..