Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhex maray laba ciidan oo u abaabulan qaab maleeshiyo beeleed.
Dagaalkan oo hub culus la isu adeegsaday ayaa ka dhacay agagaarka Haanta dheer iyo Xeradii milateriga 77 ee degmada Dayniile, waxaana la soo weriyay inuu salka ku hayo muran dhul dan guud ah oo ay ciidamo salka ku haya beelo isaga horjeedaan.
Dagaalka oo qarxay maqribnimadii galabta ayaa dadka degaanka ay sheegeen inuu yahay mid culus oo dhaliyey in dadka shacabka ah qaarkood ka barakacaan goobtaasi, waxaana la sheegay inay goobta gaareen ciidamo doonaya inay xaaladda kala dhex galaan.
Dagaalka degaanka Haanta dheer ayaa muddo dhowr jeer soo noqnoqday, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin.