Waxaa iska soo daba dhacaya wararka ku saabsan weerarka ay dabley ka tirsan kooxda Alshabaab ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho.
Weerarka oo ku bilowday qarax xoog leh oo gaari la soo miidaamiyay lagu dhuftay Hotelka ayay u suuragasgay dabley ka tirsan Alshabaab inay gudaha u galaan Hotelka.
Iska caabin weyn oo aan hore loo arag ayay dableyda Alshabaab kala kulmeen ilaaladii hotelka oo si xoog leh ula diriray, waxaana muddo 30 daqiiqo ah kadib goobta gaaray ciidamada sida gaarka u tababarran ee Nabadsugidda.
Dableyda Alshabaab ayaa adeegsaday Bambooyin gacmeed iyo rasaas ay gudaha hotelka dhexdiisa ka ridayaan. Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen weerarka isla markaana ay bar tilmaameedku yahay Hoteelka oo saldhig u ah madax ka tirsan dowladda Federaalka.
Dagaal culus ayaa hotelka weli dhex socda kadib ku dhowaad muddo saacad ah oo weerarku bilowday, waxaana soo baxaya qasaare hordhac ah oo weerarkan ka dhashay.
Dhaawacyo ka badan 10 ayaa laga qaaday agagaarka Hotelka iyadoo la gaarsiiyay Isbitaalada magaalada, waxaana dadka laga soo badbaadiyay Hotelka ay sheegeen in dhimasho iyo dhaawac badan ay jiraa.
Goobjooge.com