Monday, July 7, 2025

Wararkii ugu danbeeyay dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Xasilinta iyo Ciidamo Milateri ah

Wararkii ugu danbeeyay iska horimaad  isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalkan ayaa ka danbeeyay markii ay ciidanka xasilinta ay qabteen labo askari oo ka tiran ciidamada militeriga oo gaari ay kala degeen, kadibna hubkii ay ka dhigeen, laakiin waxaa la sheegay inay u soo gurmadeen ciidamo kale oo militeri ah, kuwaasoo taasoo keentay inuu dagaal dhex maro labada dhinac.

Dadka degaanka ayaa sheegay in gabar goobtaasi Shaah ku iibineysay ay ku dhimatay rasaastii labada dhinac is weydaarsadeen, waxaana la xaqiijiyay in laba askari dhaawacyo culus soo gaareen, waxaa kaloo dhaawac soo gaaray haweeney kale.

Ciidamo kale ayaa goobta gaaray iyadoo labada dhinac la dhexdhexaadinayo. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobalka Banaadir iyo saraakiisha Ciidamada Amniga, iyadoo ay sii kordheen isku dhacyada ciidamada dhexdooda ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON