Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu dhex maray dad reer miyi ah iyo maleeshiyada Alshabaab.
Dadka degaanka lagu magacaabo Warmooley oo u dhaxeysa degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ayaa ka hor yimid dalab Alshabaab oo ahaa inay dhaqaale ku biiriyaan qorshaha dagaal ee Alshabaab iyo tababar loo furayo odayaasha degaankaasi, tasoo ay ka horeysayAlshabaab oo laba qof ku dilay dgeaankaasi.
Dagaalka labada dhinac ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la xaqiijiyey inay ku dhinteen ilaa 4 qof oo laba ka mida ay Alshabaab yihiin iyo kuwo shacab ah, waxaan dadka ka dhaawacmay shacabka la geeyay degaanka Guriceel.
Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa hada degan, waxaana Tuulada lagu dagaalamay ee War-mooley 50 KM u jirtaa magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.