Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay inuu weerar duqeyn ah uu xalay ka dhacay degaanka Qalimow, iyadoo diyaarado dagaal oo is-wada la sheegay inay beegsadeen Gawaari ay wateen koox ka tirsan Alshabaab.
Weerarka oo loo adeegsaday diyaarad Drone ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay degaanka Qalimow ee u dhow degmada Balcad, waxayna dadka degaanka sheegeen in dhowr gantaal ay ku dhaceen ilaa saddex baabuur oo ay waten dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo muddooyinkii danbe halkaasi weerarro ka fuliyey.
Lama shaacin qasaaraha ka dhashay weerarka, waxaase la filayaa inay geysteen ciidamada Mareykanka ee howlgala Soomaaliya. Kooxda Al-shabaab ayaa shalay la wareegtay degaanka Qalimow, balse waxay dib uga baxeen kadib Maqribnimadii ee xalay kadib.