Amniga magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay, iyadoo la xiray wadooyin badan oo caasimadda ku yaalla, isla markaana waxaa saacadihii ugu danbeeyay ee xalay iyo saaka dhacay isbedello waaweyn oo ku saabsan Doorashada, waxayna kala yihiin:.
– Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in Amniga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka uu ku wareejiyey ATMIS. (Akhriso)
– Taliyaha Booliska Jeneraal Xijaar ayaa beeniyey inuu xirtay Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, wuxuuna shaaciyey inay sugayaan Amniga Teendhada Afisyoone.
-Maxamed Farmaajo ayaa ka hor yimid in Amniga Doorashada lagu wareejiyo ATMIS, isagoo ku dooday in Taliyaha Booliska uu mas’uul ka yahay Amniga.
-Xubno ka mida Guddiga Doorashada Golaha Shacabka ayaa talo kusoo jeediyay inaysan Doorashada ka qeyb gelin xildhibaannada kasoo kala baxay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.
– Mar kale Taliye Xijaar ayaa shaaciyey xilli danbe inuusan sugi karin Amniga Doorashada, xaalado amni dartood, wuxuuna soo jeediyay in dib loo dhigo.
-Wasiirka Amniga ayaa shaqadii ka joojiyey Taliyaha Booliskal isagoo lagu eedeeyay inuu ku milmay siyaasadda, halisna ku noqday dhammeystirka Doorashada Dalka.
– Ra’iisal wasaare Rooble ayaa dalka kusoo laabtay si uu howsha Doorashada u hago.
– Amniga ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan wadooyinka caasimadda, iyadoo Teendhada Afisyoone ay amnigeeda sugayaan ciidamada ATMIS.
– Xildhbaanno lagu soo doortay magaalada Garbahaarey iyo Saxafiyiinta ayaa loo diiday inay galaan Goobta Doorashada ee Afisyoone.
– Xildhibaanadii ugu horeeyay oo ah tiro yar ayaa gaaray goobta Doorashada ee Teendhada Afisyoone
– Khilaafka ka taagan xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey ayaa weli taagan, iyadoo Madaxtooyada Somaliya ka shaqeyneyso inaysan xildhibaanada Ceelwaaq ka qeybgelin doorashada Guddonka ama la dib loo dhigo Doorashada.
-Beesha Caalamka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku dalbatay in si nabdoon loo dhammeystiro Doorashada, ayna madaxda Soomaalida ka fogaadaan iska hor imaad, khilaafkoodana xaliyaan.
– Waxaan weli kala caddeyn inay dhaceyso doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo in kale. Waxaa socda dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in Doorashada ay dhacdo xalna loo helo khilaafka ka taagan Xildhibaannada Gedo.
