Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ku hogaaminaya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump codadka la tirinayo ee gobolka Pennsylvania, isagoo haatan ku hoggaaminaya ilaa 29,000 oo cod, waxaana la filayaa in farqigaas uu koro ka dib marka codadka haray la tiriyo.
KU guuleysiga gobolkan kaliye ee muhiimka ah ayaa Biden u suurtagelin karta gaarista tirada loo baahan yahay ee 270 codadka ergada doorashada si uu ugu guuleysto madaxweynenimada Mareykanka 2020.
Biden ayaa sidoo kale ku horreeya gobolka Georgia wax ka badan 4,000 cod, wuxuuna hogaaminayaa gobollada Arizona iyo Nevada, inkasta oo tartamadaas aan wali lagu dhawaaqin musharraxa ku guuleystay.
“Wali ma hayno cadeyntii ugu dambeysay ee guusha, laakiin tirooyinka ayaa noo sheegaya sheeko cad, oo qanaaca leh. Waan ku guuleysaneynaa tartankan,” ayuu yiri Biden oo xalay la hadlay shacabka Mareykanka.
Haddii Joe Biden ku guuleysto Gobolka Pennsylvania, hogaamintiisa ergooyinka doorashada ayaa noqoneysa 273 cod marka loo eego wadarta guud ee ergada doorashada ee Trump oo hadda ah 214.
Haddii Biden uu ku guuleysto gobolka Pennsylvania, waxa ay taasi sidoo kale Madaxweyne Trump ka xannibi doontaa waddada guusha. Trump ayaa hogaaminaya tirinta codadka ee gobollada North Carolina iyo Alaska. Isaga oo aan ku guuleysan Pennsylvania, Trump ma dhaafi karo hogaaminta Biden xitaa hadii uu ku guuleysto dhamaan gobollada kale ee aan wali ku dhawaaqin musharraxa guuleystay.
Biden ayaa Trump ka horreeya 4 milyan oo ah codadka doorashada ee heer qaran. Biden ayaa haysta in ka badan 74 milyan oo cod halka Trump uu helay 69 milyan, iyadoo in ka badan 150 milyan oo qof ay codkooda dhiibteen taasi oo ah tiradii ugu badneyd ee abid doorasho ka dhacda Mareykanka.
