Warar cusub ayaa kasoo kordhaya magaalada Baydhaba oo xaalad cusub ka taagan tahay kadib markii uu is casilay Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Madaxweynaha K/Glabeed Carfe Ibraahim Aadan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay is wada casileen Gudoomiye ku xigeenkii Guddiga Doorashada iyo 11 xubnood oo ka tirsan Guddiya Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo sheegay in faragelin lagu hayo doorashada oo xildhibaannadii maamulkaasi loo qaaday magaalada Muqdisho.
Xubnaha ilaa iminka is-casilay ayaa kala ah: Guddoomiyihii guddiga doorashada, ku-xigeenkiisii, xoghayahii iyo madaxii maaliyadda oo kala ah:.
1. Guddoomiyaha guddiga doorashada Koonfurgalbeed Carfe Ibraahim Aadam
2. Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Koonfur-galbeed Maxaad Maxamed Ciise
3. Xoghayaha guddiga doorashada Koonfur-galbeed Nuurto Samow
4. Guddoomiyaha guddiga maaliyadda Yuusuf
Wararka ayaa sheegaya in is-casilaadda Guddiga uu culeys ku saaray madaxweyaha xilka kasii dhammaanayo ee Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee Guddi Doorasho uu is casilo, taasoo xaalad cusub gelineysa doorashadii la fileyay inay ka dhacdo magaalada Baydhaba 17-ka Bishan.
Waxaa jiray warar la isla dhex marayey oo sheegaya inuu doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ka tanaasulayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.