Wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa Baakaraha ayaa sheegaya in dadaal loogu jiro daminta dabka ka kacay suuq maanta duhurnimadii oo geystay qasaare balaaran.
Dabka ayaa burburiyay in ka badan 20 dukaamo iyo bakhaaro isugu jira, waxaana gaaray duuqa gaadiidka dab damiska gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadda Hormuud, iyadoo xaalada kacsan ay suuqa hareysay oo rasaas ay ridayaan ciidamada si loo celiyo dad ku qamaamay halkaasi.
Dad burcad lagu sheegay oo doonaya boob ayaa laga cabanayaa, waxayna ganacsatada suuqa sheegtay in dad aan la aqoon ay doonayaan inay ka faa’iideystaan dabka iyo xaaladda cakiran ee ka taagan suuqa.
Qasaaraha hantida ah ka sokow waxaa la sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen dabka oo qaarkood ay dabaqyo iska tuureen, halka qaarka kale dabka ay ku hafteen.
Dabka ayaa la sheegayaa inuu ka bilowday baqaar bunka lagu iibiyo, ka dibna uu ku faafay seddax baqaar oo kale.
SAWIRRO
Goobjooge.com