Xaaladda ayaa degan degaanka Godinlabe oo maanta duhirnimadii ay la wareegeen maleeshiyada Ahlu sunna kadib dagaal qasaare kala duwan dhaliyay oo ka dhacay halkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa in ciidamada Ahlu suna iyo maleeshiyada degaanka ay ku sugan yihiin Godinlabe, halka ciidamada maamulka Galmudug ay duleedka magaalada isku urursanayaan.
Ciidamo dheeraad ah ayaa la sheegay inay Galmudug u soo dirtay Godinlabe, iyadoo markii hore ay arrintu taagneyd maleeshiyo isbaaro dhigatay iyo ciidamada nabadsugidda Galdmudug, laakiin ay iminka isu bedeshay dagaal buux oo Ahlu suna ku qabsatay degaankaasi.
Xaaladda ayaa kacsan waxaana laga cabsi qabaa inu dagaal toos ah uu labada dhinac k dhex maro halkaasi, mana jirto weli cid ka hadashay arrintan oo ka tirsan labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu sunna.
Goobjooge.com