Wararkii ugu danbeeyay ee m aan ka helayno magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal goos goos ah uu ka dhacay saaka magaalada kadib markii ciidanka Puntland ay damceen in halkaasi fariisimo ka samaysteen halka loo yaqaan suuqa Darxumo.
Ciidamada Galmudug ayaa rasaas ku hor istaagay tallaabada cusub ee ciidamada Puntland iyadoo markaas kadib uu dagaal xoog leh ka dhacay magaalada, waxayna wararku sheegayaan in dagaalka uu dhaliyay dhowr qof oo dhaawac ka soo gaaray.
Dagaalka saaka ayaa saameyn kale ku yeeshay dadka magaalada ku haray oo bilaabay inay barakacaan, iyadood magaalada ay ku jirto xiisad colaadeed oo aan weli xal loo helin.
Wararka iminka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in rasaas goosgoos ah ay labada dhinac is weydaarsanayaan, taasoo laga maqlayo magaalada oo dhan.
Iska hor imaadka cusub ee saaka ayaa imaanaya iyadoo uu magaalada Garowe ku sugan yahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo doonaya inuu qaboojiyo colaada Gaalkacyo ka oogan.
Goobjooge.com