Mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli xaaladiisu cakiran tahay iyadoo guddoonka Baaralmaanka Soomaaliya raadinayo qaab sharciyeed uu mooshinkaasi isu dhaafiyo, waxayna wararku sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka bilaabay tallaabadii ugu horeysay ee mooshinkaasi lagu dhaqaajinayo.
Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa la-tashiyo kala duwan la sameeyay sharci-yaqaano ka tirsan Baarlamaanka iyo kuwo ka baxsan si uu wado ugu helo lagu maareeyo Mooshinka oo horeba guddoonku u qabtay.
Muranka ugu badan ayaa la sheegay inuu ka taagan yahay awoodda iyo kalsoonida lagu qabo in mooshinka la geeyo Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo dad badani shaki ka muujiyeen in masiirka dowladda Federaalka lagu aamini karo, iyadoo aanay jirin Maxkamadii Dastuuriga ahayd ee howshan lahayd.
Maxkamadda sare in loo gudbiyo mooshinka waxaa taageersan xildhibaanada Mooshinka wada, waxaana kasoo horjeeda xildhibaanada taageersan Madaxweynaha oo iyagu aan ogoleyn in mooshinkaasi hore u socdo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa soo gaaray hanjabaadyo laba dhinac ah oo ay ugu adag tahay tan ka imaaneysa madaxweynaha iyo taageerayaashiisa, wuxuuna Prof. Jawaati kafiirsanayaa tallaabada saddexaad oo ah in la samaeeyo guddi xeer-beegti ah oo ka tirsan hay;adaha dowladda kuwaasoo la dhaarinayo loona xil saarayo inay galaan booskii Maxkamadda Dastuuriga.
Waxaa muuqata in mooshinkan durba naafeeyay howlihii dowladda oo markii horeba gaabis ahaa, waxayna shaqadii oo dhan ku soo ururtay Mooshinka Madaxweynaha iyo sidii laga yeeli lahaa.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]