Tuesday, June 24, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Shirka London iyo Qodobadda looga hadlayo oo la shaaciyay

Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo hordhac u ah madaxda dowladda Federaalka.

Shira oo la qabnaayo 11-ka bishan ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda maamulada, ururada bulshada, ganacsatada iyo qurbe joogta, waxaana shirka lagu casuumay in ka badan 40 dowladooda iyo ururada caalamiga ah.

Guddoomiyaha qabanqaabada shirka London ee dowladda Federaalka C/raxmaan Yuusuf Ceynte  ayaa gaaray magaalada Londo, isagoo sheegay in qabanqaabada shirka oo socotay muddo saddex bilood ah uu soo gabagaboobay.

Wuxuu sheegay in shirka looga hadlayo afar qodob oo waaweyn kuwaasoo kala ah: Arrimaha Amniga, Dib u soo nooleynta Dhaqaalaha, Siyaasada iy dib u eegista Dastuurka, iyo  Wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Soomaaliya ayaa shirka la tegi doonta codsi ah in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo gaaraya 5.5 Bilyan oo dollar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON