Saturday, June 28, 2025

DHAGEYSO: Wararkii ugu danbeeyay ee Beledweyne & shirkii labaad oo fashil kusoo dhammaaday

Wararkii ugu danbeeyay ee goor dhoweyd naga soo gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xaaladda magaaladaasi ay kacsan tahay, isal markaana natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulankii labaad ee dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo odayasha Hiiraan, sida uu saxaafadda u sheegay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaasyada qaarkood ayaa la hadlay dadkii bannaanbaxa waday, waxayna uga mahad celiyeen sidii ay u taageereen odayaashooda iyadoo caddeeyay inay la kulmeen madaxweynaha, balse aanay jirin wax ay qarinayaan oo ay madaxweynaha ka waayeen wixii ay ka rabeen.

Ugaaska ayaa sheegay inay madaxweynaha ka waayeen wixii ay ka rabeen ee ahaa in reer Hiiraan ay tashadaan, waxaana Ugaaska uu booqday dadkii ay ciidamada dowladda ku dhaawaceen bannaabaxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee looga horjeeday Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo tegay isbitaalka magaalada Beledweyne.

Dhageyso Ugaaska Makanne Cali Ugaas Xasan oo la hadlaya iyo jawiga Beledweyne ee maanta

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON