Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay la dhigay wadooyinka Muqidisho si ay uga hortagaan bannaabaxyo ay dhigayaan taageerayaasha musharixiinta Mucaaradka oo lagu diidan yahay Madaxweyne Farmaajo iyo Doorashada lagu mursan yahay ee uu wato.
Ciidamada ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada, sida jidka weyn ee Maka Almukarama, waxaana la xiray qaar ka mida wadooyinka caasimadda, laakiin xaafadaha qaar ayaa waxaa ka socda bannaanbaxyo, iyadoo dadka ay wataan boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo boobka doorashada dalka.
Qaar ka mida dadka bannaanbaxaya ayaa gubaya Shaagagga baabuurta, waxaana wararku sheegayaan inay sii kordhayaan dadka bannaanbaxa ka qeyb qaadanaya, iyadoo meelaha qaar laga soo sheegay inay rasaas ka dhacday oo ciidmada ay dadka kala eryeen.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya dad bannanabax ka waday xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ay rasaas ku fureen ciidamada, isla markaana ay isku dhaceen laba ciidan.
Degmooyinka bannaanbaxyadu ka socdaan ee ciidamada dadka kala eryeen waxaa ka mida: C/casiis, Kaaraan iyo Yaaqshiid..
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…


