Waxaa isa soo taraya warar ku saabsan in faragelin lagu hayo kiiska dilka iyo kufsiga la sheegay in loo geystay gabadhii 20 jirka ahayd ee Daar ku taala degmada Waaberi e magaalada Muqdisho laga soo tuuray Jicmihii 11-ka Septembar 2020.
Waxaa maanta la sii daayey laba haween ah oo kiiskan loo qabtay, kadib markii la sheegay in lagu waayey wax denbi ah, iyadoo la sheegay in ciidamada ay ka qabteen bannaanka Guriga uu falku ka dhacay, waxaana ehelka gabadha la dilay ee Xamdi Maxamed Faarax ay sheegeen inuu shaki badan galay oo ay la yaaban yihiin sida kiisku u socdo, iyagoo dalbaday cadaalad.
Maxamed Carraale oo Abti u ah Marxuumad Xamdi ayaa sheegay inay cadaalad ay ka rabaan dowladda Soomaaliya, ayna la yaabeen in damiin lagu sii daayo dadkii loo xiray xkiiska iyagoo aan dhammaan baaritaanka, isagoo xusay in xeer ilaalinta ay CID-da ka sii deysay Sabtidiiba laba ka mida dadkii falkan loo xiray.
Wuxuu sheegay inay dhaliilo badan qabaan ayna ka mid tahay in Dhaqtarka Isbitalka Medina ee Booliska oo hore ehelka Gabadha ugu sheegay in la kufsaday gabadha uu saacado kadib haddana sheegay war kale oo ah inuusan jirin kufsi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay farageliyeen kiiskan, isla markaana ay culeys saarayaan hay’adaha Amniga, iyadoo dadka ehelka u ah gabadha iyo dhalinyaro ay qabanqaabinayaan bannaanbax looga horjeedo falkaasi naxdinta leh.