Wararkii ugu danbeeyay ee Qaraxii weynaa oo ruxay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dhaliyay qasaare xoog leh.
Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari weyn oo xamuul ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee muddooyinkan ka dhaca magaalada, waxaana lala beegsaday Hotelka Safari ee ku yaalla KM5 agagaarka Zope. Gaari weyn oo la sheegay inay ciidamada ku daba jireen ayaa si degdeg ugu qarxay agagaarka Hotelka Safari.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dad badan oo shacab ah oo goobta ku sugnaa ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen, waxaana ilaa hadda la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 20 qof, iyadoo laga cabsi qabo in qasaare uu si weyn u kordho.
Weli waxaa socda uurada iyo qiiqa ka dhashay qaraxa, waxaana la maqlay rasaas dhacday kadib qaraxa, iyadoo ay goobta xiran tahay oo ciidamo faro badan ay goobtaasi tageen.
Waxaa gebi ahaan burburay dhismooyinkii ku yaallay isgoyska Zope oo ay ku jiraan Hotelka Safari, xarunta Bisha Cas iyo dhismooyinkii kale, waxaana la kala garan waayay sida xaaladda loola tacaalo burburka weyn awgeed. Goob shidaal yaallay ayaa dab qabsaday iyadoo dhismaayink intooda badan ay holcayaan.
Isbitaallada Muqdisho ayaa gebi ahaan waxaa buux dhaafiyay dad dhaawac ah iyadoo isbitaal kasta uu sheegay inuusan qaban karin dad cusub, waxaana la dareemayaa in qaraxa maanta dhacay uu yahay kii ugu weynaa ee Muqdisho ka dhaca intii ay Alshbaab bilowday qaraxyada 2007-dii.