Wednesday, June 25, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Rabshadihii ka dhacay Hargeysa iyo Burco ee Doorashada Somaliland

Waxaa deggan xaaladda xaafadaha ay xalay rabshado ka dheceen xalay ee ka tirsan Hargeysa iyo Burco, sida ay dad deegaanka sheegeen.

Muran iyo eedo ku shubasho ayaa hareeyay doorashada madaxweynaha ee Somaliland   Isniintii ka dhacay oo weli la sugayo natiijadeeda. Inta la og yahay, ugu yaraan laba qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rabshadahaasi kadib markii ay isu soo bexeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer, Maxamed Diiriye Xayd ayaa sheegay in ay daggan tahay xaaladda xaafadihii ay rabshadaha ka dhaceen xalay ee Burco.

Waxay arrintani ka dambeysay markii mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ay dhaliil u soo jeediyeen hanaanka doorashada. Waxay sheegeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen guddiga doorashooyiinka ka dib markii “la dhagaysan waayay cabashadooda” ku aadan doorashadii la qabtay Isniintii.

Cusman Afgaab oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa sheegay “In uu jiro musuqmaasuq uu ka mid yahay in meelaha qaar lagu codeeyay warqado la been abuuray, caruur codeysay iyo in wakiilladooda laga saaray xarumaha qaar ee codeynta”.

Guddiga doorashooyiinka  Somaliland, ayaa codsaday in ciddii cabasho qabta ay u gudbiyaan guddiga, sidoo kale wuxuu ku baaqay in aan laga hordhicin natiijada.

Gudoomiyaha guddiga, Cabduqadir Imaan Warsame oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay “wixii cabasho sharci ah, diyaar baan u nahay in aan xallino”.

Balse, dadka ku nool xaafadaha dhanka galbeed ee Burco waxay sheegeen in ciidamo boolis iyo military isugu jira la geeyay halkaas. Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay nabadgelyada ilaaliyaan. Dhanka Booliska wuxuu ka dalbaday in ay shacabka si wanaagsan ula dhaqmaan.

Rabshada ka dhacay xaafado ka tirsan Burco waxaa “ku dhintay hal qof, tiro kalena way ku dhaawacmeen”, sida uu BBC-da u sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer. Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah askeri boolis ah, oo ka mid ahaa kuwii ka hortagayay rabshadaha.

Xaafadda New Hargeysa oo ka tirsan Hargeysa waxaa Iyana ku dhimatay gabar ka dib markii booliska iyo dibadbaxayaasha ay isku dheceen. Dad badan ayaa la xirxiray ka dib isu soo baxyadaas ka dhacay xaafado ka tirsan Hargeysa iyo Burco.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON