Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeyay xaaladda kacsan ee Cadaado iyo Qorsheyaal uu damacsan yahay Xaaf [Akhriso]

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xaalada siyaasadeed iyo ammaanka ee magaalada kacsan tahay.

Kadib markii la shaaciyay inuu fashilmay dadaalkii hexdhexaadinta ee ay wadeen qaar ka mida xildhibaannada labada aqal ee tegay magaalada Cadaado ayay xaaladda uga sii dareen, waxaana xalay hakaday qorshe lagu  doonayay in xildhibaanno taageersan Madaxweyne Xaaf ay xilka ka qaadaan madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Dhinaca ammaanka ayaa laga deyrinayaa iyadoo ciidamo badan oo maleeshiyooyin ah ay  magaalada tageen, halka ciidamadii NISA iyo kuwa milateriga ay ku sugan yihiin, waxaana laga digay in xaaladda ay faraha ka baxdo.

Maleeshiyo taabacsan madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay inay magaalada ku qulquleyso, iyagoo ka tegay magaalada Gaalkacyo, waxaana laga dareemayaa in maleeshiyo fara badan ay magaalada ku soo korortay, halka mararka qaarkood la maqlayo rasaas dhaceysa.

Xildhibananada taageersan Axmed Ducaale Xaaf ayaa magaalada Cadaado ka wada qorshe ay ku doonayaan inay shir ku yeeshaan, iyadoo uu guddoomiyaha Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, kaasoo xil ka qaadis lagu smaeynayo madaxda ka soo horjeeda Xaaf.

Qorshaha kale ayaa magaalada Cadaado ka socda, kaasoo ku saabsan in maxkamadda sare ee Galmudug ay howlgasho soona saaro go’aan ku saabsan  inuu sharci darro yahay xil-ka qaadistii ay ku sameeyeen xildhibaannada Galmudug.

Xaaladda ayaa u muuqata mid kasii dartay, iyadoo xildhibannada labada aqal ee tegay Cadaado ay xaaladda uga sii dareen, xilli aanay muuqan xal loo heli karo xiisaddan oo dowladda Federaalka ay dhinaca kale taageersan tahay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON