Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dab weyn uu caawa qabsaday Isbitaalka Banaadir ee hooyada iyo dhallaanka magaalada muqdisho.
Dabkan ayaa la sheegay inuu ka kacay bakhaarada daawada Isbitaalka Banaadir, waxaana socda dadaal loogu jiro in dabkaasi la damiyo.
Dabka ayaa muddo saacad ku dhow socday, waxaana si weyn looga dareemay isbitaalka oo dad badan oo bukaan ahaa ku jireen, laakin wax saameyn ah kuma yeelan.
Ma cadda sababta dhalisay Dabka, laakiin muddooyinkan dambe waxaa dabka ka kaca Muqdisho loo aaneey Korontada iyo fiilooyinka fara badan ee wadooyinka iyo guryaha ku jira.
Gaadiidka dab damiska ee dowladda hoose ee Muqdisho ayaa tegay Isbitaalka Banaadir oo la tacaalaya daminta Dabka la xakameeyay laguna guuleystay in la damiyo, qasaaraha ayaa ku kooban daawadii ku jirtay bakhaarka gubtay.
Goobjooge.com