Lix Qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla magaalada Quebec city ee dalka Kanada.
Weerarkan ayaa la sheegay inay geysteen saddex nin oo rasaas aan loo meel dayin ku furay dad gaaraya 40 oo ku sugnaa Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda.
Booliska ayaa sheegay inay xireen laba qof oo weerarka lagu eedeeyay, waxaana socda baaritaan ku saabsan weerarkaasi, iyadoo dad badan ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisal wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa weerarka ku tilmaamay mid ARGAGXISO ah iyadoo dadka muslimiinta ah ee Kanada ku nool ay sheegeen inuu ahaa weerar waxashnimo ah oo lagu qaaday dad cibaadeysanaya.
Dad goobjoogeyaal ahaa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex ruux oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkan. Rasaasta ayaa ka dhacday masaajidka oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.
Wararkii ugu dabeeyay ee weerarkaasi ayaa sheegaya in dhimashada ay gaartay 6 qof iyo 8 dhaawac ah.
FARRIINTA RA’IISAL WASAARAHA KANADA
Tonight, Canadians grieve for those killed in a cowardly attack on a mosque in Quebec City. My thoughts are with victims & their families.
— Justin Trudeau (@JustinTrudeau) January 30, 2017
Goobjooge.com