Monday, June 23, 2025

Warbaahinta Ciidamada oo shaacisay inuu Geeriyooday Afhayeenkii Guud ee Alshabaab

Warbaahinta Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inuu Geeriyooday Afhayeenkii Guud ee Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage.

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegtay in ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeeen Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere uu Galabnimadii Axadii hore uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe.

Warka aya asidoo kale lagu sheega yin Afhayeenka Cali Dheere lagu dabiibayey Isbitaal, kadib Dhaawac Culus oo kasoo gaaray Dagaal Ciidanka Xoogga & Shacabka Xoreynta Hiiraan ay kula galeen Alshabaab degaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan Khamiistii 29-ka September 2022.

Ad

Dagaalkaas ayay saraakiisha ciidmaad dowlada sheegeen in Alshabaab looga dilay ku dhawaad 80 Maleeshiyoo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Qoorgaab, laguna dhaawacay Cali Dheere.

Ma jirto cid xaqiijisay dhaawaca iyo geerida afhayeenka Alshabaab, iyadoo marar badan hore loo sheegay in la dilay, wararkaasi oo markii danbe beenoobay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON