Sunday, July 13, 2025

Warbaahinta Dowladda oo bilaabeysa Barnaamij la magac baxay ‘ISKU MAAN’ oo looga horjeedo…

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta sheegay in Warbaahinta dowladda ay bilaabi doonto barnaamij la magac baxay ‘ISKU MAAN’.

Wasiirka oo ka hadlayey munaasabad lagu furay qeyb cusub oo la sheegay in lagu soo kordhiyey warbaahinta dowladda oo ah Mobile-da ayaa dhinaca shaaciyey in maalmaha soo socda uu barnaamijka cusub ee ISKU MAAN ka bilaaban doono qeybaha kala duwan ee warbaahinta dowladda, iyadoo ay ka qeyb qaadan doonaan fanaaniin iyo jilayaal kala duwan.

Barnaamijkan ayaa sida muuqata loo horjeedaa ama la tartami doona barnaamijka ‘KALA MAAN’ ee ka baxa idaacadda Kulmiye, kaasoo lagu xifaaleeyo qaab riwaayad iyo suugaan ahna wax looga sheego waxqabadka dowladda Federaalka iyo madaxda dowladda.

Dhinaca kale idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Barnamijka ISKU MAAN uu ka baxi isna idaacadooda oo uu yahay barmaamij toddobaadle ah, inkastoo aan laga warqabin oo kaliya lagu bartay KALA MAAN.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON