Warbaahinta Dowladdda Soomaaliya ayaa shaacisay in abaanduulihii Alshabaab Bashiir Qoorgaab oo ka mida madaxda sare ee Alshabaab lagu diley duqeyn ay iska kaashadeen Mareykanka iyo Soomaaliya.
Duqeyntan ayaa ka dhacday degaanka Saakow 22-kii bishii hore ee Febraayo, waxaana qofka lagu dilay uu ahaa Bashiir Qoorgaab oo dowladda Mareykanka ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 5 Milyan oo Doolar, xilal kala duwan kasoo qabtay Alshabaab, isagoo ka mid ahaa Guddiga Fulinta iyo saraakiisha sare ee xarakada.
Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa 3-dii Febraayo shaacisay in Amiirka Alshabaab uu xilkii ka qaaday Bashiir Qoorgaab , kadib markii uu ka hor yimid beegsiga dadka rayidka ah.
Ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo laga helay warkan, iyadoo Taliska Mareykanka ee AFRICOM aanu weli ka hadlin.