Monday, July 14, 2025

Warbaahinta Kenya oo baahisay magacyada 16 askari oo Kenya looga dilay Kulbiyow [Fadeexad heysta taliska KDF]

Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay magacyada 16 askari oo lagu dilay weerarkii Kulbiyow ee Alshabaab ku qaaday ciidamada Kenya.

Jariirada The Star ee Kenya ayaa daabacday magacyada askaran oo ay sheegtay inay yihiin tirada ugu yar ee lagu dilay weerarkii Kulbiyow iyo sawiradii ay Alshabaab baahiyeen qaarkodo arrintan oo weji gabax ku ah dowladda Kenya iyo taliska ciidamada KDF ee dalkaasi.

DAAWO SAWIRRO: Alshabaab oo baahisay sawirrada weerarkii Kulbiyow

Magacyada askarta Kenya ee dhintay oo la shaaciyay waxay kala yihiin:

1- Kassim Roba – Madogo, Tana River (Waa la aasay)

2- Abdalla Aziz- Isiolo (buried)

3- Mohammed Konchara- Merti (Isiolo) (Waa la aasay)

4- Ido Kuno – Isiolo (Waa la aasay)

5- Amani Mwinga – (Waxaa lagu aasay Qabuuraha Senti Kumi cemetery ee Mombasa)

6- Francis Kombo- Mazeras

7- Gideon Nyabidi- Trans Nzoia

8- Victor Ilavonga- Vihiga

9- Juma Mwanguya- Kilifi

10- Kennedy Bakari- Kilifi

11- Mohammed Utange (Mombasa)

12- Rajab Baya- Kilifi

13- George Ndirangu-

14- Benson Ntheketha- Mombasa

15- Josiah Kamau

16- Captain Silas Ekidor

Arrintan ayaa weji gabax iyo fadeexad ku noqoneysa taliska ciidamada Kenya oo kaliya sheegay in 9 askari looga dilay weerarkii Kulbiyow 15 kalena looga dhaawacay.

Dowladda Kenya ayaa hore u qarisay qasaarihii ciidamadeeda ka qabsaday weerarkii Alshabaab ku qaaday saldhigii Ceelcadde oo ilaa iyo hadda aaanay sheegin wixii halkaasi ka dhacay, waxaana la rumeysan yahay inay uga dhigeen tiro ka badan 150 askari.

Isha: The Star

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON