Wednesday, July 2, 2025

Warbaahinta Puntland & Fitna abuurka: Daawo dokumenti Jeneral Ceydiid qoray 1991 oo la faafiyay

Waxaa muddooyinkan danbe sii kordhaya ololaha ceebeynta iyo colaad abuurka ah ee warbaabinta heyb ahaanta u taageerta Puntland, kadib dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaadna arkeysaa sida ay ugu talax tageen qabyaadda iyagoo kuwii ugu fiicnaa saxaafad ahaan xitaa ah ka tageen mihnadoodii.

Dagaaladii dhowaan ka dhacay Gaalkacyo wuxuu qaawiyay saxaafadda aan ka hadleyno oo dadka u baahinaya warar ka fog xaalada ka jirta goboladda dhexe, tusaale ahaan Koonfurta Gaalkacyo sida inaysan ka mid ahayn magaalada ayay Baraxley ugu yeeraan, maamulka Galmudug waa ku adag tahay inay qoraan, intooda badan waxay ka reebaan qoraaladooda Shariif Xasan Sheekh  Aadan iyagoo dhinaca kale  buunbuuniya Axmed Madoobe.

Arrimahan oo dhan waxay noqon lahayd kuwo loogu garaabo mar haddiiba ay ku fac noqdeen reerahooda, laakiin waxaa la yaab lahayd markii ay qaarkood baahiyeen qoraalo sanadkii 1991 ku taariikheysan oo ka haldaya dagaalkii qaraaraa ee dalka  ka dhacay xilligaasi, qoraaladaas oo uu ku saxiixan yahay marxuun Jeneral Ceydiid.

In qoraalo noocaas oo kale ah xilligan lagu faafiyo internetka iyadoo laga dhigayo xaalad saaka taagan oo kuwa qoraya xitaa laga yaabo inaysan waqtigaasina garaad lahayn, waa colaad abuur iyo caddeyn kale in reerka waqooyiga Gaalkacyo diidan yihiin nabadda ama wax-magaradkoodu ugu horeeyo dadkii xil kasta ahaa. Sow kuma haboneyn kuwaasi inay soo bandhigaan heshiiskii Gaalkacyo, halkii ay marxuum dhintay qabriga ku xag-xagan lahaayeen?.

HOOS KA AKHRI LABADA QORAAL

Caydiid2

sirtii-1992-in-english-001

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON