Faahfaahin hor leh ayaa kasoo baxeysa ninka la tuhunsan yahay inuu isku qarxiyay Diyaaradii Daallo Airlines 2-dii bishan isagoo Laptop lagu rakibay waxyaabo qarxa la raacay diyaaradda oo hawada qaraxu kula dhacay, kadibna dib ugu soo laabatay garoonka Muqdisho.
Sida ay qortay wakaalada wararka AP, C/llaahi C/salaan Boorle ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa macalin dugsi quraan oo bashaash ah, isla markaana uu dhibaato ka qabay lug uu ka xanuunsanayay, isagoo rabay inuu caafimaad ahana u tago Turkiga ama India si lugtaas looga daweeyo.
Sheekh Maxamed Cabdullaahi oo imaam ka ah masjid ku yaala magaalada Hargeysa oo ninka is qarxiyay ee Boorle ka yimid lana kulmay bishii Janaayo ee sanadkan ayaa sheegay in da’da Cabdullaahi Boorle ku qiyaasay 50-52 sano jir oo ka xanuunsanayay lug isagoo ku tukubi jiray ul.
“Wuxuu Muqdisho u aaday inuu helo baasaboor si uu caafimaad ahaan ugu aado Turkiga ama India ujeedkiisuna wuxuu ahaa inuu lugta laga hayo soo adkeysto” ayuu yiri Sheekh Maxamed C/llaahi
Sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Somaliland ayaa shegeay inay isha ku hayeen Boorleh, laakiin aanu ahayn qof halis laga filanayay. Waxaa kaloo la baarayaa xiriirka ninka is qarxiyay la leeyahay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la sheegay inay fiiso uga dalabtay safaaradda Turkiga arrintan oo safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay beenisay.
Ninka is qarxiyay ee Cabdullaahi Boorle ayaa lagu sheegay nin islaami ah oo diinta ku dhegan balse aan koox ku xirneyn, magaalada uu kasoo jeedo ee Boorame ayaa iyaduna degaan ahaan ka fog meelaha ay ka howlgalaan Alshabaab, balse ay jiraan dad taageersan Alshabaab. Wuxuu ahaa macalin quraanka bara caruurta oo aan wax shaqo ah ku lahayn siyaasad, garka ayuuna deysan jiray.
Waa nin xaas iyo caruur lahaa inkastoo tiradooda aan la helin. dadka aqoonta u lahaa Cabdullaahi Boorle waxay sheegeen inay ku adag tahay inay rumeystaan inuu ahaa qofka is qarxiyay ee diyaaradda Daallo Airlines qaraxa la beegsaday.
Source: AP