Monday, July 14, 2025

Warbixin cusub & Sawirro laga helay ninkii weerarka ka geystay Baarlamaanka UK, Magaalada London

Booliska Ingiriiska ayaa shaaciyay sawirrada ninkii geystay weerarkii London ee xarunta Baarlamaanka UK oo lagu dilay 5 qof, 20 kalena lagu dhaawacay.

Khaalid Mascuud oo 52 sano jir ah, isla markaana ahaa aabaha saddex caruur ah oo xaaskiisii hore kala tageen ayaa la sheegay inuusan wax shaqo ah ku lahayn diin ee uu ahaan jiray nin dagaal badan oo madownimadiisa la kulmay colaaadin iyo midab kala sooc.

Mascuud wuxuu dhigtay dugsiga Huntleys Secondary School in ee ku yaala degaanka Kent, waxaana sawirrada la helay ka mida isagoo ku dhex jira ardayda oo dhoola caddeynaya sanadkii 1980.

Wuxuu ahaa ciyaaryahan kubadda cagta iyo nin taga Caweysyada oo khamriga caba, wuxuuna ku lug yeeshay gacan ka hadal dhowr ah, dhowr jeer ayaa xiray dembiyo kala duwan, wuxuuna ku dhex islaamay xabsiga, isagoo guursaday haweebey muslim ah.

Khaalid wuxuu shaqo macallinimo oo luqada ingiriiska ah ka helay dalka Sacuudiga, waxaana saxaafadda UK ay qortay in uu qaatay fekerka xagjirka ah, ilaa markii dambe uu geystay weerarka lagu dilay.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay inuu Khaalid Mascuud ka tirsanaa Askarta khilaafada islaamiga ee taageersan.

SAWIRRO


First picture: This is the Westminster ISIS-inspired jihadi Khalid Masood as an adult in a police mugshot released by Scotland Yard as they try to gather information about if he was part of a wider terror cell in Britain

First picture: This is Westminster ISIS-inspired jihadi Khalid Masood (circled in 1980) when he was a student at Huntleys Secondary School in Kent, which would later close and is now a housing estate

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON