Sunday, July 13, 2025

Warbixin dheeraad ah oo laga helay Ninka weerarka Gaari ka geystay Magaalada New York [Akhriso]

Sayfullah Saipoy ayaa noqday ninka geystay weerarka magaalada New York ee loo adeegsaday gaariga, waxaana ku dhintay 11 qof, halka dhaawacu ka badan yahay 15.

Weerarkan ayaa noqday kii ugu weynee ee magaalada New York ka dhaca kadib weerarkii 9/11- ee lagu qarxiyay daarihii Ganacsiga adduunka iyo wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Ninka weerarka geysay ayaa xaaladiisa la faaqidayaa, wuxuuna Maraykanka tagay sanadkii 2010-kii , isaga oo ka yimid dalka Uzbekistan, halkaas oo uu ku dhashay sanadkii 1988-dii.

Waxaa la rumeysanyahay in uu ku noolaa gobolada Ohio, Florida iyo New Jersey tan iyo intii uu heley kaarka cagaaran ee u fasaxaya in uu ka shaqaysto dalka Maraykanka.

Wadaad Uzbek ah oo Maraykanka ku nool oo lagu magacaabo Mirrakhmat Muminov ayaa sheegay in wiilkan ay duufsadeen kooxo xag jir ah oo internetka uu kala xiriiray. Dad ka badan 70,000 qof oo Uzbek ah ayaa ku nool Mareykanka, kuwaas oo badankood ku nool magaalada New York oo uu weerarka ka dhacay.

Sayfullah Saipoy  - Ninkii geystay weerarkii New York
Sayfullah Saipoy – Ninkii geystay weerarkii New York

Markii ugu horaysay oo ninkan uu sharciga ku xad gudbay ayaa ahayd sanadkii hore, xiligaas oo lagu ganaaxay xadgudub xagga gaadiidka ah. Waxaa la rumeysanyahay in uu ka kici doono dhaawaca xabbada booliiska, kadibna la waraysan doono.

Hay’adaha dembi baarista Mareykanka ayaa iminka xaqiiqsaday inuu Sayfullah Saipoy ku saamoobay warar ay internetka ku qoreen kooxda Daacish, waxaana uu weerarka ku fuliyay amarka kooxdaasi.

Ninkan ayaa ka yimid magaalada Peterson, New Jersey, halkaas oo uu gaariga kasoo kireysay, islamarkaasna ay ku noolyihiin illaa 30,000 kun oo muslimiin ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON