Saturday, June 28, 2025

WARBIXIN: Dilalka qorsheysan ee Xildhibaanada & weerarkii lagu dhaawacay Xildhibaan Diheeye

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerarkii uu maanta ka badbaaday Xildhibaan Maxamed Cali Diheeye oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay degmada Xamarweyne, iyadoo weerarkaasi lagu dilay laba ka mida ilaaladii Xildhibaanka, mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

Weerarka ayaa dhacay barqanimadii maanta waxaa uu ka dhacay meel weeraro badan ka dhaceen oo dad badan lagu dilay oo ah Bacadlaha ee Dagmadda Xamarweyne, waxaana xildhibaanku  ku sigtay  weerarka  loo qorsheeyay inuu ku dhinto.

Dadka geeriyooday waxay isugu jiraan, mid ka mida dableyd ilaalada xildhibaanka iyo darawalkii Gaariga, waxaana dhaawacmay Xildhibaan Diheeye iyo mid kaloo  ka mida ilaaladisa ah. Dhaawaca xildhibaanka ayaa la sheegay inuu fudud yahay.

Gaariga uu saarnaa xildhibaanka ayaa ahaa nooca Carib, Gaariga ay wateen kooxda weerarka qaaday ayaa lagu hor gooyay gaariga kale ee uu saarnaa xildhibaanka, waxaana falka kadib ay sidii caadada ahayd dableyda weerarka geystay ka baxsadeen goobta oo ah bartamaha magaalada iyo agagaarka hay’adaha dowladda oo ay ku jirto madaxtooyada.

Waxaa xusid mudan in isla goobtan ayay ahayd halkii  maalin ka hor waa 3 April 2015 lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda oo lagu magacaabi jiray Marxuum Mahad Faarax Muxidiin, iyadoo kooxdii ay sidan oo kale u baxsatay.

Waxaa kaloo la yaab leh in xildhibaanka maanta la dhaawacay ee Maxamed Cali Daheeye uu xilka Baarlamaanka hayo muddo sanad ah, isagoo booska ka bedelay Alaha u naxariistee Xildhibaankii geeriyooday ee  C/llaahi Qayaad Barre oo isna  koox hubeysan ay ku dileen ay 9-kii Febraayo 2015 ku khaarijiyeen Ddgmada Xamar jajab ee deriska la ah Degmada Xamarweyne.

Marka la eego falalka dilalka qorsheysan ee sida gaarka ah loola beegsado siyaasiyiinta iyo xildhibaanada xilalka haya, isla markaana la xusuusto hadalkii taliyaha NISA ee ahaa in dadka lagu dilo Muqdisho aanay ka wada mas’uul ahayn dilalka dhacaya, waxaa su’aal weyn ka taagan tahay cidda ka danbeysa dilalkan iyo inay yihiin kuwo jilayaal kala duwan ku jiraan, taasoo aanay suuragal ahayn in la caddeeyo mar hadii aanay jirin cid loo qabto falalkaasi oo maalinta cad ka dhaca bartamaha caasimadda, warkuna ku dambeeyo inay baxsadeed dableydii.!

Akhri: DEGDEG: Xildhibaan goor dhoweyd lagu dilay Muqdisho

gaardil

gaaridil

xildhibaan
Marxuum Xildhibaan C/llaahi Qayaad

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON