Monday, July 14, 2025

Warbixin dowladda ka soo saartay weerarkii Hotelka Maka Almukarama iyo Alshabaab oo hanjabaad cusub soo saartay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay weerarkii Alshabaab ku qaaday hotelka Maka Almukarama oo socday muddo dhan 16 saacadood, waxaana hotelka dhexdiisa kula hadlay saxaafadda wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, isagoo sheegay ragga soo weeraray Hoteelka inay ahaayeen shan ilaa lix ruux sida uu hadalka u dhigay.

mareye-dinin

Wuxuu sheegay in la dilay dhammaan kuwii weerarka soo qaaday, wuxuuna intaas ku daray in dadka ku dhintan weerarka hotelka ay dhan yihiin 14 ruux oo kala ah:
  • Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Baribari) safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Jineva
  • Farxiyo  Bashiir haweeney u shaqeynaysay World Bank, la taliyena u ahayd Bankiga dhexe ee Soomaaliya
  • Saddex ka mida ilaalada hotelka
  • Lix ruux oo shacab ah
  • Afar askari
[ad name=”HTML-2″]
Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 50 laha badbaadiyay hotelka, qaarka dhaawacoodu darran yahayna ay dibadda u qaadi doonaan, dowladuna ay dadkaasi u raadin doonto adeeg caafimaad si xaaladooda wax looga qabto.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka hotelka Maka Almukarama lagu guuleystay, isla markaana qaar ka mida dadkii weerarka qaaday ay badbaadeen oo weeraro kale ay geysan doonaan.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa lagu sheegay inay  qaar ka mida dadkii weerarka ka danbeeyay ay shahiideen qaar kale ay badbaadeen. ” Ragga soo badbaaday ee ka tirsan xarakada waxay ka qeyb qaadan doonaan weeraro kale oo dalka laga fulinayo waxayna diyaar u yihiin inay caddowga xanuujiyaan” ayuu yiri Afhayeenka  guud ee Alshabaab.

Gurey Xaaji Xasan oo ah milkiilaha Hotelka Maka Almukarama ayaa isna saxaafadda u sheegay in weerarkaasi uu mas’uul ka yahay gudoomiyaha degmada Hodon oo uu sheegay inuu u diiday inuu dhagxaan ku xiro albaabyada hotelka, wuxuuna u muuqday nin cadaawad gaar ahi kala dhaxeeyo guddoomiyaha degmada uu hotelka ku yaallo, waxaana is weydiin leh sida dhagxaan loogu celin karo weerarada noocan oo kale ah.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON