Tuesday, June 24, 2025

Warbixin: Guddiga Doorashooyinka oo Baydhaba ku qabtay Doorasho Musharax kaliya u tartamay

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhaba ku qabtay doorasho uu ku tartamay hal musharax oo kaliya, iyagoo kadibna shaaciyey inuu ku guuleystay musharaxaasi.

Musharax Cabdullaahi Sheekh Maxamed kaliya ayaa kasoo xaadiray doorashada oo ahayd buuxinta  kursi ka banaanaa Golaha Shacabka, waxaase madasha kaso xaadiray musharaxaasi, sababo aanay guddigu macneyn, waxaana lagu dhawaaqay natiijada wareegga koowaad oo noqotay inuu helay 35 cod oo ka mid ahaa codadkii Ergada, oo ka koobnaa 42 Ergo, sidaasina uu ku noqday xildhibaan federaal.

Waxaa la shaaciyey inay kursiga u tarmayeen marka laga reebo musharaxa guuleystay saddex musharrax oo kala ahaa: Isaaq Khaliif Duurey oo lasheegay inuu helay 4 cod, Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur oo ihelay 2 cod iyo Xasan Macalin Ibraahim oo aan waxba helin, laakiin waxaa la yaab lahayd inaysan goobta ku sugneyn.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa difaacay sababta ay u qabteen doorasho ay goobta joogin ciddii la tartami lahayd musharaxa la sheegay inuu guuleystay, waxayna ku andacoodeen in saddexda musharrax ee kale ay qaateen shahaadadoodii aqoonsiga, loona sheegay in waqtiga doorashada ay maanta ahayd, balse markii ay imaan waayeen ay go’aansadeen inay doorashada qabtaan.

Musharixiinta qaarkood ayaa saxaafadda u sheegay in laga hor istaagay inay galaan xarunta doorashada ka dhaceysay, guddiguna uu qabtay doorasho musuq ah. Waxaa kaloo xubin ka mida Guddiga Doorashada oo ah Xuseen Cabdi Aadan uu sheegay inay idoonayeen in si sharciya loo wajaho hab-raaca iyo hanaanka doorashada kursigaas ka banaanaa Golaha Shacabka ilaa Apriil 2018, laakiin qaar ka mida odayaasha dhaqanka ee lahaa soo xulidda ergada ay arrinkaas ka biyo diideen.

Maha markii ugu horeysay ee Guddiga Doorashada oo ay hoggaamiso Xaliimo Yarey ay qabteen doorasho magac ahaan u dhacda oo aan lagu tartamin, waxaana shaki weyn laga muujinayaa sida Guddigan u qaban karo doorasho weyn oo xalaal ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON