Sunday, June 22, 2025

Warbixin Halis ku ah Xawaaladaha Soomaalida oo lasoo saaray (Malaayiin Doollar ayey u kala wareejiyeen Dad lagu..)

Baaritaan ay sameysay Wakaalada wararka Reuters ayaa lagu ogaaay in Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ay lacag ka badan $ 3.7 milyan oo u kala xawileen Dadka ku howlan Ganacsiga sharci-darrada ah ee Hubka.

Warbixinta ayaa lagu magacaabay qof kasoo jeeda dalka Yeman oo Mareykanka saaray cunaqabateyna Argagixisnimada, waxaana baarista sameysay Hay’adda Global Initiative Against Transnational Organised Crime ee degan magaalad Geneva.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xaalada ay ku shaqeyaan Shirkadaha xawaaladaha Soomaalida oo dhibaato ku qabay sidii ay sharciyo uga heli lahaayeen dalalka dibadda, kun dhibanaa shuruudaha badan ee lagu xiro si ay lacag dibadda ugu diraan.

Ad

Waxaa la baaray muddo lix sano oo ah diiwaanno macaamil ganacsi oo laga sameeyay magaalada Bosaaso, iyadoo lagu waafajinayo diiwaannada taleefoonka gacanta ee laga helo ilaha amniga iyo baaritaanka keydka macluumaadka. Warbixinta waxaa lagu cadeeyay 176 macaamil ganacsi lixdii sano ee la soo dhaafay oo ay sheegtay in ay u muuqato in ay xiriir la leeyihiin Dadka ka ganacsada hubka Soomaaliya iyo Yemen.

Waxaa la helay laba wareejin lacageed oo ku dhow $ 40,000 lambarro lala xiriirinayo Sayf Abdulrab Salem al-Hayashi ka dib markii Hanti-dhowrka Mareykanka uu cunaqabateyn ku soo rogay 2017-kii iyadoo lagu eedeeyay inuu hub iyo taageero dhaqaale siiyay Al-Qaacidada Jasiiradda Carabta iyo Dowladda Islaamiga ah ee Yemen, ayaa lagu yiri warbixinta.

Amal Express iyo Iftin Express oo fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa wax ka qabtay macaamillada, kuwaas oo adeegsaday shaabado kala duwan oo isugu jira magaciisa iyo naanaysta, ayay warbixintu sheegtay. Amal Express waxay sheegtay in warqad wareejin ah oo lagu muujiyay warbixinta oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leedahay al Hayashi ay tahay been abuur. Iftin Express waxay diiday in ay faallo ka bixiso macaamil ganacsi shaqsiyeed.

- Advertisement -

Warbixinta ma helin wax tusaale ah oo labada shirkadood ee kale, Dahabshiil iyo Taaj, ay ugu wareejiyeen shaqsiyaad kasta oo cunaqabateyn la saaray. Laakiin waxay xustay dhacdooyin ay shakhsiyaadku awood u yeesheen in ay kula wareegaan iyaga oo adeegsanaya magacyo iyo tirooyin badan, taas oo xadgudub ku ah sharciga Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hal nin uu adeegsaday 24 magac afarta shirkadood. Dhammaan afarta shirkadood waxa ay sheegeen in aysan u oggolaan macaamiisha in ay adeegsadaan aqoonsiyo badan ama lambarro taleefanno. Shirkadda Dahabshiil waxay kaloo sheegtay in ay joojisay xawilaaddii u dhexaysay Soomaaliya iyo Yemen.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo wax laga weydiiyey arrimahan ayaa sheegay in uusan ka warqabin xawilaadaha laakiin ay baarayaan guud ahaanna ay horumar ka sameynayaan ka hortagga maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada. “Hay’adaha nidaamiya maaliyadeed ee Soomaaliya waa shaqaale hoose, oo aan haysan agab dhaqaale, isla markaana aan lagu kalsoonayn hay’adaha maaliyadeed ee gudaha,” ayuu u sheegay C/raxmaan M. Cabdillaahi, guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya

Wuxuu sheegay in loo xiray jabinta sharciga la dagaalanka lacagta la dhaqay iyo maalgalinta argagixisada, asaga oo tusaale u soo qaatay kiiska ganacsade lagu xukumay bishii Ogosto inuu maamulo bangi aan diiwaangashanayn.

- Advertisement -

Afartan shirkadood oo ay la xiriirtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa mid walba waxa ay sheegtay in ay ku dadaaleen sidii ay ugu hoggaansami lahaayeen qawaaniinta caalamiga ah ee “ogow macmiilkaaga” in kasta oo Soomaaliya aysan lahayn kaar aqoonsi qaran. Shirkadaha ayaa sidoo kale sheegay in ay hayaan keydka macluumaadka ee shaqsiyaadka caalamiga ah ee cunaqabateynta laga qaaday iyo kuwa la saaray.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON