Ugu yaraan 26 ruux ayaa ku dhimatay 20 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay kiniisad ku taalla goobolka Texas, intii ay dadku ku guda jireen ciibaysiga Axadda.
Weerarkan ayaa ka dhacay kiniisad ku taalla Sutherland Springs oo ah magaalo yar oo ka tirsan deegaanka Wilson. Dadka dhintay da’doodu waxay u dhaxaysaa 5 sano ilaa 72 sano.
Ninkii looga shakisnaa weerarkan ayaa markii dambe la helay isaga oo mayd ah oo ku jira gaarigiisa oo yaalla meel dhawr kiiloo mitir u jirta Kaniisadda. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ninkaasi uu ahaa qof waalan.
Booliiska ayaa qofka weerarka gaystay ku sheegay “nin da’yar oo caddaan ah” oo kali ah, laakiin warbaahinta Maraykanka ayaa ku sheegay Devin Patrick Kelley oo 26 jir ah.
Kelly ayaa la sheegay in laga eryay ciidammada cirka ee Maraykanka sannadkii 2014kii ka dib markii maxkamadda ciidammadu ay ku heshay in uu tacadi u gaystay xaaskiisa iyo ilmo oo uu dhalay. Ma cadda waxa ku qaaday weerarkan.

Freeman Martin oo ah madaxa waaxda ammaanka shacabka ee gobolka ayaa sheegay in qofka weerarka gaystay uu xirnaa dhar madaw iyo qalabka xabbadaha difaaca.
Markii uu ka tagay kiniisadda qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa qorigigiisii la so baxay oo rasaas ku furay ninka laga shakisan yahay kaas oo markii dambe qorigiisii tuuray gaarina ku baxsaday.

Qofkii deegaanka ahaa ayaa sii eryaday qofka laga shakisan yahay kaas oo markii dambe shil ku galay Guadalupe County.
Booliiska ayaa helay ninkii dadka laayay oo mayd ah oo ku dhex jira gaarigiisa, balse ma cadda in uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaastii uu ninka deegaanku ku furay iyo in uu u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray shilka.
Badhasaabka gobolka Texas ayaa xaqiijiyay tirade dhimashada wuxuuna sheegay in ay tahay toogashadii ugu khasaaraha badnayd ee taariikhda gobolka.