Monday, July 14, 2025

Warbixin ku saabsan Dagaalame Ajnabi ah oo ka tirsanaa Alshabaab oo isku dilay Degmada Jilib

wararka laga helayo Gobolka Jubadda Dhexe aya sheegay in dagaalame ajnabi ah oo ka tirsanaa Alshabaab uu isku dilay degamda Jilib.

Meydka dagaalamaha oo ahaa muwaadin u dhashay  Kenyaayaa laga helay kaam ku yaala degmadda Jilib. waxaa  magaciis waxaa lagu sheegay Abdi Kimani, waxaana laga helay dhabarka dambe ee guri ay dagan yihiin Ajaanibta dhawaan loo qoray in ay Al-shabaab u dagaalamaan, sida uu qoray  Wargeeska The Star ee Kenya.

Warar ayaa sheegaya in Kimani uu isagu is dilay kadib sadax todobaad oo uu ku jiray xeradda cusub. “Kimani wuxuu noqday kii sadaxaad ee Dagaalameyaal shisheeye oo shan ah oo isdilay, waxaana jira tiro aan la aqoon inta ay la egtahay oo baxsaday” ayaa laga soo xigtay ilo wareed aan magacooda la shaacin.

Xaalad Adag oo nololeed ayaa la sheegay in ay wajahaan dagaalameyaasha Al-shabaab ay soo qortaan taas oo ka duwan middii ay filayeen. “kuwa hadda kusoo biiray ururka ayaa ah kuwa ugu badan ee nolosha adag saameeyso xilligaan oo Al-shabaab ay la kulmayaan caqabado ay ka mid tahay daadad iyo cuduradda biyaha ka dhasha” ayaa sidoo kale laga soo xigtay isha aan la shaacin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON