Monday, June 23, 2025

Warbixin ku saabsan dagaalkii ugu weynaa oo Laantabuur ku dhex maray Alshabaab & ciidamada dowladda

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Weerar maleeshiyada Al-shabaab  ku qaadeen Saldhiga ciidamada milatariga Soomaaliya ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ku yaala degaanka Laanta buur.

Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa ku bilowday qarax is miidaamin ah  iyo rasaas xoog leh oo dhowr jiho ay Alshabab ka weerareen xerada, waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan, waxayna Alshabaab sheegatay inay dileen in ka badan 30 askari, ayna gacanta ku dhigeen 7 Gaadiidka dagaalkah ah.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahin  Aadan Naajax ayaa  sheegay in 5 Askari Milatariga Soomaaliya lagua dilay weerarka Alshabaab, ayna qaateen laba Gaari  oo ciidamadu lahaayeen.

Wuxuu sheegay in Alshabaab ay u suuragashay inay galaan xerada, dagaalkuna socday dhowr saacadood oo laga cabsi qabo in qasaaraha dagaalka sii kordho. Alshabaab ayuu xaqiijiyay in qabsadeen qeyb ka mida xerada Laantabuur.

Waa markii labaad ee Alshabaab ay weeraraan sanadkan Xerada Laantabuur isla markaana ay gaadiid kala wareegeen ciidamada. Weerarkii hore ayay ciidamada Alshabaab kula wareegeen 7 gaadiidka ciidamada milateriga ah iyagoo ku dilay ilaa 7 askari.

Waxaa weli soo baxaya warar ku saabsan qasaaraha dagaalka dhaliyay. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada milateriga.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON