Sunday, July 13, 2025

Warbixin ku saabsan Qorshe Ruushku Saldhig milateri uga sameysanaya Magaalada Seylac, Somaliland [Akhriso]

Ruushka ayaa la sheegay inuu saldhig milateri ka raadinayo Somaliland, sida uu qoray Wargeyska Caanka aheEe The Sun oo kasoo baxa dalka Ingiriiska.

Warbixin arrintan laga qoray ayaa lagu sheegay in Ruuskha uu bilaabay wadahadal ku saabsan arrintan oo uu Somaliland la galayo, iyadoo qorshuhu yahay inuu saldhigii ugu horeeyay Ruushku ka sameysto Somaliland oo ah maamul sheegtay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya.

Ruushka ayaa damacsan inuu balaariyo qorshihiisa milatari ee Qaarada Afrika iyo bariga dhexe. Wargeyska ayaa baahiyey in la sheegay wada hadal u socda dawlada Ruushka iyo maamulka aan la aqoonsan Somaliland iyadoo la qorshaynayo in askar tiradoodu gaadhayso 1,500 ay ka howlgalaan saldhigaasi kuwaas oo taageeri doona maraakiibta dagaalka, maraakiibta Gaaska qaada iyo Maraakiibta ganacsiga.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in haddii Ruushku uu saldhig milatari ku yeesho Somaliland uu noqon doono saldhigiisii ugu horeeyey ee qaarada Afrika uu ku yeesho wixii ka dambeeyey dagaalkii qaboobaa, taas oo noqon doonta talaabo weyn oo qayb ka ah barnaamij casri ah oo uu madaxweynaha Ruushku Vladamir Putin damacsan yahay.

 Somaliland Foreign Minister Dr Saad Ali Shire last year meets with Yury Kourchakov, who was the first Russian diplomat to set foot in the impoverished country in 38 years

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sanadkii hore la kulmay Yury Kourchakov,oo ah diblomaasigii ugu horeeyay ee muddo 38 sano ah taga Soomaaliya, iyadoo la sheegay in la isku soo qaaday arrintaas.

Goobta uu calaamadeystay Ruushka inuu ka sameysto saldhigga ayuu wargeysku sheegay  inay tahay magaalada Saylac ee Gobolka Awdal, magaalada Seylac oo dacalka ku heysa Badda Cas, una dhow dalka Jabuuti iyo marinka Bab Al-mandab ee marinka laga galo Badda Cas ayaa dhinaca kale u dhow saldhiga milatari ee Shiinuhu dhowaan ka furtay Jabuuti.

 Russia already commands a mighty naval force positioned in the Baltic Sea

 Satellite image showing Russia's Syrian naval base in Tartus Port last week.

Power-mad Putin ‘plotting to build naval base in east Africa near key Suez trade route in muscle flexing with West’

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON