Monday, June 23, 2025

WARBIXIN: Muran ka taagan Ergada kursiga Beesha Agoon/Xawaadle & Dacwad laga keenay C/llaahi Goodax

Musharixiinta u tartamaya kursiga beesha Xawaadle/Agoon ayaa dacwad ku soo oogay mid ka mida musharixiinta u tartamaya xilka C/llaahi Goodax Barre.

Kursigan ayaa waxaa u tartamaya siyaasiyiin fara badan oo ay ka mid yihiin: Maxamed C/llaahi Garguurte, Ibraahim Xabeeb Nuur, C//laahi Goodax Barre, Jen. Muqtaar iyo iyo xubno kale.

Musharixiin dhowr ah ayaa guddiga Doorashada iyo Guddiga Xalinta khilaafaadka u gudbiyay  dacwad ku saabsan ergada Beesha Agoon oo sharcinimadeeda la isku khilaafay, waxaana lagu eedeeyay C/llaahi Goodax Barre inuu ergo uu soo qortay ka keenay magaalada Beledweyne, sidaasina ku doonayo inay doortaan.

Ad

Xogta laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegeysa in C/llaahi Goodax Barre taageero ka helay madaxweynaha Hirshabeelle, taasoo keentay in musharixiinta kale ay dacwoodaan, waxaana hadda arrinta ku dhex jira Guddiyada Doorashooyinka oo go’aan ka gaaraya muranka ka dhashay ergada kursigan dooran lahayd.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dib loo dhigayo doorashada kursigan kadib markii kursigii hore ee Beesha Cali madaxweyne/ Xawaadle ay dhacday in musharax muhiim ahaa laga celiyo xarunt Doorashada.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON