Qiimeyntii ugu horeysay ee lagu sameeyay ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa lagu ogaaday arrimo yaab leh oo ay ka mid yihiin, tirada ciidamada iyo inta ka hubeysan oo aan la fileyn.
Tirakoobka iyo qiimeynta oo wasaaradda Gaashaandhigga ay qaaday ayaa lagu ogaaday in tirada guud ee ciidamada milateirga ay gaareyso 26 kun askari oo ay ku jiraan qaar howlgab ah, naafo iyo qaar kale, halka markii hore ay diiwaangashanaayeen askar ka badan 30kun.
Warbixinta qimeynta ayaa lagu sheegay in 30% ciidamada Soomaalida oo ku dhow 7,800 askari aanay heysan wax hub ah oo ay yihiin sacbooley ciidan ahaan u shaqeeya, iyadoo saldhigyada ciidamada qaarkood aanay oolin wax hub ah.
Wasiirka difaaca Soomaaliya Maxamed Mursan Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay jiraa ciidamo Soomaali ah oo aanan wax hub ahna haysan, balse dowladda ay isku dayeyso inay hubkooda u dhamaystirto inkastoo badankooda ciidamadu hub haystaan.
Wasiirka ayaa sheegay in qiimayntan ay muujinayso in ciidanka badidiisi ay diyaar yihiin inkastoo uu qiray inay jiraan meelo ay guutooyinku tiro ahaan dhiman yihiin. Isagoo ka hadlayey qalabka ay ciidanka Soomaalidu haystaan ayuu sheegay in cunaqabataynta Qaramada Midoobay ay garbaduubtay awooddii qalab iyo hub ee ciidanka Soomaaliyaa.