Ciidamada ammaanka ee dawladda Somalia ayaa xalay saqdii dhexe kadib soo afjaray weerar qarax is-miidaamin ah ku bilowday oo Alshabab 5:00 Galabnimo ee 31 Janaayo 2021 ku qaadeen Hotelka Afrik ee u dhow Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa waxaa qaaday Gaari ay la socdeen 4 rag hubeysan, waxaana ka degay saddex maleeshiyo oo si weyn u hubeysan, watayna Boorsooyin ka buuxaan Bambooyin, rasaas iyo hub kale, waxayna gaariga uga degeen Garaash u dhow Hotelka Afrik, iyadoo markaas kadib Gaariga uu ruux is-miidaamiye ahaa ku dhuftay iridka Hotelka, kadibna waxaa Hotelka gudaha u galay saddex ka mida Maleeshiyadii Alshabaab.
Dagaal dhex maray ciidamada Amniga iyo Maleeshiyada Alshabaab ee hotelka ka dhex dagaalamayey ayaa qaatay muddo 8 saacadood ah, waxaana ku dhintay ilaa 10 qof oo uu ka mid yahay Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Milateriga Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.
Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in afar ka mida dadka ku dhintay Hotel Afrik ay ahaayeen maleeshiyaadii Weerarka ku qaaday Hotelka, waxaana laga badbaadiyey inta badan dadkii Hotelka ku go’doomay, waxayna ciidamadii ugu horeeyay ee Hotelka gaaray ay noqdeen ciidamo iyo ilaalo gaara, kadibna waxaa tegay ciidamada Booliska.
Howlgalkii ciidamada Amniga ayaa ka bilowday qeybta sare ee Hotelka, waxaana laga xarko iyo sallaan looga saaray dadkii ku xayirnaa qolalka kala duwan ee Hotelka Afrik. Maleeshiyada oo Bambooyin badan watay ayaa qaraxyo waaweyn mar waliba ka sameynayay gudaha Hotelka.
Weerarkan oo ahaa kii ugu weynaa oo qarax iyo weerar toos ah isugu jira oo Muqdisho ka dhaca tan iyo bartamihii Bishii Ogost 2020 oo Alshabaab ay galeen Hotelka Elite ee degmada C/casiis, Xeebta Liido ee Muqdisho ayaa muujinayah in xaaladda Amniga caasimadda aan wax horumar ah laga gaarin.
