Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in 11 qof oo dheeraad ah kuwaasoo lala xiriirinayo qaraxyadii ka dhacay Garoonka Ataturk ee magaalada Istanbuul, kadib markii la aqoonsaday saddexdii nin ee ka danbeeyay weerarkaasi.
Booliska Turkiga ayaa sheegay in saddexda nin ee qaaday weerarka garoonka diyaaradaha ay ka yimaadeen dalalka Ruushka, Uzbekistan iyo Kyrgyztan, kadibna ay tageen xarunta Daacish ee Raqa, halkaasoo ay Turkiga dib ugu laabteen.
Baaritaano hordhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha ammaanka Turkiga ayaa lagu shaaciyay inay la helay caddeymo xoog leh oo ku saabsan in madaxda sare ee Daacish ay wax ka abaabuleen weerarka garoonka Istanbuul.
Muddo bil laga joogo ayay saddexda nin Turkiga galeen iyagoo ka tegay xarunta Daacish ee magaalad Raqa, waxayna markaas wateen suumanka qarxa bambooyinkii loo adeegsaday weerarka, sida ay sheegayaan saraakiisha Turkiga.
Saddexda nin waxay Guri ka kireystaan Degmada Fatih ee magaalada Istanbuul, halkaasoo markii dambe laga helay baasaboor uu leeyahay mid kamida is-miidaamiyeyaashii weerarka qaaday.
Sida muuqata weerarka ayaa ah mid si weyn looga soo shaqeeyaym abaabulkiisuna sreeyay sida ay qireen sirdoonka Turkiga. Booliska Turkiga ayaa booqday guriga ay ragga weerarka qaaday kireysteen, waxayna dadka degaankaasi tusiyeen sawirada laga hayo saddexda nin iyagoo weydiiyay inay arkeen ama wax macluumaad ah ka hayaan.

Ninkii lahaa guriga ay degaan saddexda nin ayaa booliska u sheegay inuu aad u naxay in raggaasi ay weerarka geysteen, ninkan oo lagu magacaabo Mustafa Elsen wuxuu sheegay inuu arki jiray iyagoo sigaar ku cabaya dariishadaha guriga ay kireysteen, laakiin inta badan ay uu gurigu xirnaan jiray.
Haweeney deris la ahayd guriga ayaa iyaduna sheegtay inuu jiray waxyaabo ay ka shakiyeen gurigaasi ragga degay oo ah inay dareemeen kiimiko iyo wax ay u maleeyeen Gaas dilaacay oo dibadda u baxaya, ayna is weydiiyeen arrintaasi deriskooda.
Waxaa weli socda baaritaanada lag hayo raggii ka dambeeyay qaraxa garoonka Istanbuul oo dadka ku dhintay ay hadda sare u dhaafeen 44 ruux.
Goobjooge.com