WARBIXIN XASAASI AH: Sidee Xukuumaddu Qorsheysay Fadhigii Baarlamaanka ee lagu ridi lahaa Guddoomiye Jawaari..? [Akhriso]

EXCLUSIVE: (Arrimihii dhacay 24 saac ee ka horeeyay Aroortii Sabtida ee Kulankii baaqday)

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si weyn u qorsheysay fadhigii la qorsheeyay inuu dhaco maanta oo Sabti ahayd 31 March 2018, kaasoo ujeedkiisu ahaa in xilka looga qaado Guddoomiyaha Baarlamaaka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Haddaba waxaan halkan idinku so gudbineynaa warbixin gaar u ah Goobjooge.net oo ku saabsan qaabkii loo qorsheeyay inuu kulanku u dhaco iyo tallaabooyinkii la qaaday Subaxnimadii Jimcaha  ilaa aroortii Sabtida oo uu soo baxay in la hakiyo kulanka.

XAALADDA GUUD

Xaaladda Muqdisho ayaa ahayd mid ay hareysay xiisadda ka dhex taagneyd labada Garab ee Baarlamaanku u kala qeybsamay, waxaana subaxnimadii laga war helay in ciidamada ammaanka ay xireen wadooyinka Muqdisho iyadoo la joojiyay isku socodka labada qeybood oo loo kala gooyey magaalada. [Akhriso warkan]

Galabnimadii waxaa Qoraal soo saaray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey oo ciidamada Booliska ku wareejiyay ammaanka xarunta Baarlamanaka, uguna baaqay xildhibaannada inay amniga adkeeyaan. [Akhriso warkan]

Fiidnimadii waxaa guddoomiye Jawaari u tegay Taliyaha ciidamada Booliska oo ku wargeliyay amarrada amniga, iyadoo loo sheegay inuusan wax ciidan ah la soo geli karin xarunta Baarlamaanka oo saddex nin ee guddoonka ah kaliya loo ogol yahay darawalkooda.

Fiidnimadii ayaa iska soo daba dhacay shirar jaraa’id oo ay qabteen Garabka Jawaari, waxaana Go’aanka C/weli Muudey iyo taliska ciidamada Booliska sharci darro ku tilmaamay Guddoomiye Jawaari oo qoraalkiisa uu saxaafadda u akhriyey Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad isagoo si toos ah u eedeeyay madaxweyne Farmaajo.[Akhriso warkan]

AMNIGA BAARLAMAANKA

Waxaa isla fiidnimadii ciidamo fara badan la geeyay wadooyinka Muqdisho, waxaana xarunta Taliska Booliska uu soo saaray amarro ku socda xildhibaannada Baarlamaanka oo la faray inay wax hub ah soo qaadan karin. [Akhriso warkan]

Inta ay arrimahaasi dhacayaan waxaa hoos ka socotay shaqo adag oo ay hayeen ciidamada amniga oo lagu amray in ilaalada xildhbaannada aanay soo dhaafi karin meelo loo cayimay oo aad uga fog xarunta Baarlamaanka, iyadoo xildhibaanka oo qura iyo darawalkiisa la go’aamiyay in u gudbnaan xarunta.

XARUNTA BAARLAMAANKA

Furihii  xarunta Baarlamaanka ayaa lagala wareegay hab-dhowraha Baarlamaanka, waxaana howl kale laga qabtay gudaha hoolka shirka ee Baarlamaanka. Tusaale ahaan waxaa meesha laga qaaday Kursigii Guddoomiye Jawaari ee qeybta guddoonka oo gebi ahaan la baabi’iyey, waxaana kursi dhexe loo qoondeeyay Maxamed Sheekh Jawaari.

Ciidamo gaara oo ka tirsan Birmadka Booliska ayaa loo xilsaaray inay gudaha Baarlamaanka ku sugnaadaan oo xildhibaan waliba dul taagnaadaan, haddii uu isku dayo wax qalalaase ahna ay ka joojiyaan, iyadoo laga war helay in Xildhibaannada Garabka taageersanaa Jawaari  isu diyaariyeen fowdo.

MOOSHINKA IYO CODEYNTA

Dhinaca kale waxaa socday saxiixa codeynta mooshinka Jawaari, waxaana dhacday inuu soo baxay qorshe ah in Mooshinka Jawaari loogu codeeyo hab qoraal ah, sida uu dhigayo qodob ka mida  xeer hoosaadka, iyadoo codeynta loo diyaariyey qaab qoraal ah, oo xildhibaannadu saxiixayeen inay kalsoonida kala laabteen Guddoomiye Jawaari.

Ilaa 196 xildhibaan ayaa la sheegay inay saxiixeen codeynta qoraalka ahayd, iyadoo xilligaas uu socday soo jiidashada xildhibaanno hor leh si ay ugu biiraan xil ka qaadista Guddoomiye Jawaari.

Waxaa muuqatay in amniga dibadda xarunta Baarlamaanka, gudaha xarunta iyo qaabka codeynta ay diyaar ahaayeen, iyadoo loo diyaar garoobay maalinta 31-ka Maarso oo taariikhda ku geli lahayd xukuumad xilkii ka qaaday Guddoomiye Baarlamaan.

DHAQDHAQAAQII TAAGEERAYAASHA JAWAARI

Dhinaca xildhibaanada taageersanaa Jawaari waxaa dhaqdhaqaaq aan la seexan waday xubno ay hormuud u yihiin Caddow Cali Gees, C/qaadir Cosoble, C/raxmaan Odowaa iyo xubno kale, waxayna xilli dambe u tageen Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey oo ay caga-jugleyn iyo eedeyn isugu dareen.

Waxaa soo baxday warar sheegaya in xildhibaannada taageersan Jawaari ay mar qura is soo raacaan oo ay kaxeystaan ciidamo fara badan, wararkaas oo markii dambe aan isa soo tarin.

XIRIIRKII MADAXWEYANHA & JAWAARI

Kulamo kala gaara kadib wuxuu madaxweynaha telefoon u diray Guddoomiye Jawaari Saqdii dhexe kadib, waxaana markii ay is heli waayeen loo diray Wasiiru dowlaha madaxtooyada oo xiriiriyey labada mas’uul.

Saddex kulan oo kala gaara iyo kulan guud oo dhex maray madaxweynaha iyo saddexda nin ee Guddoonka waxaa kasoo baxay  go’aanka ah in la joojiyo kulankii Baarlamaanka ee sida weyn loo hadal hayey, waxaana Warka Wakaaladda wararka dowladda lagu sheegay inuu madaxweynuhu joojiyey kulankii Baarlamaanka markii uu isugu yeeray guddoonka baarlamaankaayna aqbaleen, kadibna waxaa shir jaraa’id qabtay guddoomiye Jawaari [Akhriso warkan]

COD BIXINTII QORAALKA AHAYD HOOS KA DAAWO

U GAARA GOOBJOOGE.NET