Monday, June 23, 2025

WARBIXIN XASAASI AH: Xuseen C. Xalane oo noqday caqabad hor taagan magacaabidda Golaha wasiirada cusub

Sii-haya wasiirka Maaliyadda xukuumadii kalsoonida weyday Xuseen Cabdi Xalane ayaa noqday caqabada ugu weyn ee ay isku mari la’ yihiin madaweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, taasoo hakisay horumar laga gaaro magacaabidda Golaha wasiirada cusub ee la wada sugayo.

Madaxweynaha ayaa ku adkeysanaya in Xuseen Cabdi Xalane loo magacaabo Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka Maaliyadda xukuumadda cusub, laakiin waxaa arrintaasi ka horjeestay Ra’iisal wasaaraha oo sababo dhowr ah dartood uga hor yimid, iyadoo la ogyahay in qofkii ugu horeeyay ee madaxweynaha kala dardaarmay inta aanu xilka u magacaabin uu ahaa wasiirkan hore ee khilaafku ka taagan yahay Mr. Xalane.

XUSEEN CABDI XALANE, WASIIRKA MAALIYADDA, MUSHARAX RA'IISAL WASAARE
XUSEEN CABDI XALANE, SII HAYAHA WASIIRKA MAALIYADDA

Goobjooge.com waxay dib u eegis ku sameyneysaa mowqifyada labada mas’uul iyo taxanaha muranka siyaasadeed ee salka dhigtay shaqsiyadan ka dhex muuqata xukuumadihii isaga danbeeyay dalka.

Ad

MADAXWEYNAHA IYO XUSEEN CABDI XALANE

Waxaa markii ugu horeysay wasiirka maaliyadda uu ka noqday Dr. Xalane xukuumadii Farmaajo ee xilligii KMG ahaa, waxaana xiligaas lagu tilmaamay inuu ahaa shaqsi howl fiican qabtay oo ka dhex muuqday wasiiradii markaas jiray.

Ridistii Ra’iisal wasaare Saacid ka dib wuxuu Xuseen Cabdi Xalane ka mid noqday musharixiintii safka hore ka soo galay jagada ra’iisal wasaaraha, waxaana si weyn u taageerayay Faarax Sheekh C/qaadir, nasiib darro inkastoo uu qarka u saarnaa in xilkaas loo magacaabo waxaa cadaadis weyn kadib oo la saaray Madaxweynaha jagadaas ku soo baxay C/Weli Sheekh Axmed.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa markaas kadib la soo shir tegay in Xuseen Cabdi Xalane laga dhigo Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka Maaliyadda, waxaana arrintaas iska diiday C/weli Sheekh, waxayna murankii ka dhashay arrintay ay keentay in la isku mari waayo magacaaabidda Golaha wasiirada ee xilligaasi, waqti dheeraad ahna loo baahday, murankaasi waxaa lagu xaliyay in wasiir maaliyadeed laga dhigo Xalane, inkastoo markaas xildhibaanada beelaha Daarood iyo beeshiisa Absame ay qoraal u direen madaxweynaha kana hor jeesteen in wasiir loo magacaabo Xalane.

Dhismihii xukuumada C/weli kadib wuxuu Xuseen Cabdi Xalane ahaa wasiir aan ka amar qaadan Ra’iisal wasaarihiisa oo si toos ah ugu xiran madaxtooyada, waxaana dhaqaalaha dowladdu noqday mid ay ku heshiiyaan wasiirka, madaxweynaha iyo wasiiru-dowlaha maaliyadda C/llaahi Maxamed Nuur. Ra’iisal wasaare C/weli waxaaba yareyd awoodda uu ku leeyahay wasiirada Maaliyadda, Arrimaha dibadda, Dekadaha, Dhalinyarada iyo kuwo kale oo madaxtooyada ku xirnaa.

Heshiiskii maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya, qorshaha hiigsiga cusub oo dhaqaalaha loogu talogalay ay kaliya isla maamulaan madaxweynaha iyo Xalane oo uu wehliyo Faarax Sheekh C/qaadir waxay keentay inuu isbaheysi xoog iyo wada shaqeyn aan caadi ahayn dhex marto Xalane, Faarax  iyo Xasan Sheekh oo dhinaca kale Itoobiya ku sii xiran, waxaana mar kale la qorsheeyay in ra’iisal wasaare loo magacaabo Xuseen Cabdi Xalane ridistii xukuumadii C/weli Sheekh kadib.

Qorshahan waxaa mar kale ku yimid fashil markii ay ka hor yimaadeen Beesha Caalamka oo taladii la weydiiyay ka digtay in Wasiir Xalane laga dhigo Ra’iisal wasaare, waxaa kaloo sii xoojiyay in arrintaasi fashilanto xubno saaxiib la ah madaxweynaha sida Shariif Xasan iyo C/llaahi Sanbaloolshe. Madaxweyne Xasan Sheekh oo talo ku caddaatay ayaa mar kale raali gelin siiyay Xuseen Cabdi Xalane oo bedelkiis Ra’iisal wasaare u magacaabay  Cumar C/rashiid Cali.

- Advertisement -

Kadib magacaabidiisii iyo kalsooni weyneyd ee ay siiyeen Baarlamaanka Cumar C/rashiid, wuxuu madaxweynuhu socdaal cudurdaar iyo raaligelin ah u tegay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu balanqaad kale ku galay inuu ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka maaliyadda siin doono Xalane, isla markaana Axmed Madoobe ugu magac daray inuu yahay: Madaxweyne, maamulkiisuna noqonayo “dowlad Goboleed”, arrimahaasina wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh isu tusiyay inay yihiin waxa kaliya ee uu ku dejin karay balan ka baxyadii uu sameeyay.

Markii la bilaabay la-tashiyada magacaabidda xukuumada cusub, mar kale ayuu madaxweynaha la soo shir tegay qorshihiisii ahaa in Xuseen Cabdi Xalane loo magacaabo Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka Maaliyadda, taasina waxay noqotay caqabadda ugu weyn ee hadda hortaagan magacaabidda Golaha wasiirada.

RA’IISAL WASAARAHA IYO XUSEEN CABDI XALANE

Ka sokow in haddii golaha wasiirada lagu soo daro Xuseen Cabdi Xalane uu halis ku yahay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaa kaloo taasi u wehliya xaalado kale oo aan u saamaxeynin inuu ogolaado magacaabidda Xalane, waxaana ka mida:

= Digniin beesha caalamka ka timid iyo musuqmaasuq lagu tuhmayo Wasiir Xalane

= Inta badan xildhibaanada Beesha Daarood oo qoraal cad u geeyay Ra’iisal wasaaraha ay ku caddeeyeen inaan Xalane wasiir loo magacaabi karin.

= In jagada Ra’iisal wasaare ku xigeen aanay suuragal ahayn in la siiyo mas’uul ka socda Beesha Daarood ama xitaa haddii Daarood la siinayo aanu lahayn Kablalax, haddii taasi dhacdana ay keeneyso in ra’iisal wasaare kux igeeno badan badan la magacaabo, taasoo iyaduna qaab cusub ah oo yareyneysa awoodda Ra’iisal wasaaraha.

= In Wasiirka Maaliyadda aan la siin karin Wasiir Xalane, sababtoo ah marka beel ahaan loo xisaabtamo waxaa wasiirkaas haddiiba ay Daarood helaan xaq u yeelanaya Beesha Mareexaan.

GABAGABO

Is mari waaga ka taagan magacaabidda Golaha wasiirada ee salkiisu yahay Xuseen Cabdi Xalane waxaa muuqata inaysan midkoodna u sahlaneyn inuu ka tanaasulo mowqifkiisa, laakiin waxaa dhici karta in khilaafkani laga wareegto haddii tanaasul yimaado. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa mar laga soo xigtay inuu ku hanjabay inuu is casilayo hadii cadaadisku meel xun gaaro, arrintan oo la qaboojiyay si kumeelgaara waxaanu wada dhowreynaa halka xalku ka imaan doono.

Warbixinnada Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON