Monday, July 14, 2025

WARBIXIN: Xildhibaan Goodax oo Kursi Xildhibaan u doontay Magaaladii & Maamulkii uu la dagaalamay

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, horena u soo noqday wasiirkii Arrimaha Gudaha ayaa olole doorasho u tegay magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaan Goodax ayaa dagaal adag laghalay inuusan dhismin maamulka Hirshabeelle, wuxuuna weliba aflagaado u geystay dadka Shabeelaha Dhexe iyo magaalada Jowhar laf ahaanteeda, taasoo ay ugu wacneyd loolanka siyaasadeed ee kala dhaxeeyay saaxiibkiisii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

XILDHIBAAN GOODAX: “Wasiir Maareeye laba dacwad ayaan ku soo oogeynaa, waana in tallaabo laga qaado…”Markii ugu dambeysay wuxuu C/llaahi Goodax Barre hormud u ahaa maamul la sheegay in laga dhisayo magaalada Beledweyne oo loo bixiyay Hiiraan State, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiinta khadka ka lumiyay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kursiga uu doonayo C/llaahi Goodax Barre inuu dib u hanto ee Beesha Xawaadle/Agoon waxaa kula loolamaya siyaasiyiin fara badan oo ay ka mid yihiin: Maxamed C/llaahi Garguurte, Ibraahim Xabeeb Nuur iyo xubno kale, waxaana la filayaa inuu noqdo kursi dhaqaale badan lagu kala qaato.

C/llaahi Goodax ayaa loo badinayaa inay ku dhacdo fashilkii Cadaado ay ku qabsaday xildhibaan C/samad Macalin oo kursi ka mida Aqalka u doontay maamulkii uu dagaalka kula jiray ee Galmudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON