Wednesday, June 25, 2025

Warbixin yaab leh oo laga helay ninkii Qarxiyay Magaalada Mancherter, UK

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay qaabkii loo farsameeyay qarixii lala beegsaday magaalada Manchester ee dalka UK.

Wiilkii bamka ku qarxiyay magaalada Manchester, Salman Abedi waxay u badan tahay in uu bamkii 22 ruux dilay ku hagaajiyay gurigii uu daganaa, sida ay booliisku sheegeen.
Saraakiishu waxay sheegeen in ay hadda “aad u fahamsan yihiin” dhaqdhaqaaqyadii uu sameeyay Abedi todobaadyadii ka horreeyay markuu weerarka gaystay.

Madaxa ka hortagga argagixisada ayaase sheegay in aysan aad u caddayn in uu keligii helay oo kaydsaday dhamaan qalabka uu qaraxa u adeegsaday iyo in lagala shaqeeyay.

Dhammaan 22kii ruux ee loo xiray weerarkaas ayaa la sii daayay iyagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Russ Jackson oo ah salkaal booliiska ka tirsan ayaa sheegay in booliiska Manchester ay hadda hayaan faahfaahinta dhaqdhaqaaqii Abedi ee toddobaadyadii ka horeeyay weerarkii Manchester ka dhacay.

Waxaa ka mid ah sidii uu ku helay kiimikooyinka uu ka sameeyay bamka iyo goobtii uu ku qaabeeyay bamka.

Booliisku waxay sheegeen in ay saacad saacad u hayaan dhaqdhaqaaqii uu sameeyay Abedi maalmihii ka horeeyay weerarkii uu Manchester ka gaystay 22 May.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON