Wednesday, October 21, 2020
More

    Warbixinta Canshuur bixinta Donald Trump oo la faafiyey iyo Halis soo wajahday rajadiisa Dib u doorashada

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la ogaaday inuusan bixin wax canshuur ah 10 sano oo ka mida 15 sano oo ka dambeeyay sanadkii 2000, isla markaana uu bixiyey oo kaliya $750 oo ah canshuurta laga qaado dakhliga qofka soo galo sanadii uu musharaxa ahaa iyo sanadkii ugu horeeyay ee uu madaxweynaha ahaa (2016, 2017).

    Wargeyska caanka ah ee New York Times ayaa soo bandhigay warbixin fadeexad ku ah madaxwayne Donald Trump oo mar kale u tartamaya in dib loo doorto, wuxuuna wargeysku sheegay inuu helay macluumaadka 20 sano oo ku saabsan canshuur bixintii Donald Trump.

    Ad

    Macluumadkan uu daabacay wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaadaya in “muddo sanado ah uu madaxwaynaha ka baxsanayey bixinta canshuurta dakhliga sisagoo sheegayay inuu qasaaray lacag ka badan tan soo gashay si uu uga baxsado in la canshuuro.

    Sida Musharaxixiinta Madaxweynayaasha Mareykanka caadadda u ahayd waxay soo bandhigaan canshuurka ay bixiyeen, laakiin Trump wuxuu si is daba joog ah u diiday inuu dadka la wadaago canshuurka uu bixiyo, isagoo mararka qaar ku doodaya in hay’adaha Maaliyadda ay dib u eegis ku hayaan.

    Warbixintan ayaa dood weyn ka dhalisay dalka Mareykanka iyadoo Madaxweyne Trump uu degdeg uga jawaabay isla markaana sheegay inay been abuur tahay. “Waxaan bixiyey malaayiin Doolar oo canshuur ah, waadna arki doontaan marka aan canshuur celinta sameeyo,” ayuu u sheegay warbaahinta laakin markii la weydiiyey su’aal ahayd tirada lacagta uu bixiyey ayuu diiday oo goobtii uga dhaqaaqay saxafiyiinta.

    Waa madaxwaynihii ugu horeeyay tan iyo sanadihii 1970-yadii kaasi oo aan shaaca ka qaadin canshuur celintiisa, taasoo ahayd arrin caado u ahayd siyaasiyiinta Mareykanka ee xilka ugu sareeya dalkaasi qabta, inkastoo aanay sharci ahaan waajib ku ahayn.

    Wargeyska NewYork Times ayaa sheegay inuusan daabaceynin canshuur celinta Madaxweyne Trump si loo ilaaliyo isha uu warka ka helay, waxaana arrintan ka hadlay siyaasiyiin iyo madax badan. Trump oo ku faana inuu ahaa ganacsade guuleystay ayey arrintani ka dhigeyaa Ganacsade qasaare u joog ah ama canshuurta u diiday si xeeladeysan oo ah inuu qasaarayey sanad kasta.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow

    TOP NEWS

    6 Milyan Doollar oo si Musuq ah loogu lunsaday Wasaaradda Caafimaadka Somaliya (Dhageyso Galka Baarista)

    Musuqmaasuq lacago Malaayiin Doolar ah lagu lunsaday ayaa ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhaqaale loogu deeqay horumarinta caafimaadka la marsiiyey...

    XOG: Wasiirada xilalkooda waayey iyo sababta mid waliba uga baxay Golaha Wasiirada (Akhriso)

    Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa xilalkoodii ku waayey 12 wasiir oo u...

    AKHRISO: Magacyada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan Wasiirada cusub iyo Miisaanka shanta Beelood

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dahwaaqay Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 70 xubnood, haddaba waxaan isin...

    Imaam Max’ed Yusuf oo Digniin culus u diray Cali Mahdi. “Reer Imaam ha isku dirin, haddii kale adigoo sidaan..”

    Imaamka Beelaha Muddulood ee xilka sii haya Imaam Maxamed Yuusuf ayaa digniin culus u diray siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo Muqdisho ka...

    Maxaa Koonfur Galbeed looga reebay Qoraalka Ra’iisal wasaare Rooble u kala diray Maamul Goboleedyada..?

    Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa laga reebay qoraal uu Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya u kala diray maamul Goboleedyada Dalka.

    Imaam ay Beesha Abgaal isku khilaafsan tahay oo lagu duubay Hotel ku yaalla Muqdisho (Warbixin xasaasi ah)

    Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Imaam cusub oo Beesha Abgaal yeelato, kadib khilaaf in muddo ah ka taagnaa...

    Xasan Sheekh: “Diyaar ayaan u nahay Doorashada, Afartii sano wax kaleba kama shaqeyneynin…”

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan diyaargarowga Doorashada ee mucaaradka oo muddooyinkan danbe la hadal...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!