Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay Doorashadii guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Federaalka iyadoo 4 musharax ay isugu soo hareen.
Waxaa la bilaabay tirinta codadka jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo ay ku loolamayaan C/weli Sheekh Muudey iyo Faarax Sheekh C/qaadir, waxaana hordhaca tirinta codka ka muuqda in aad loogu loolamay kursigan.
Marka laga shidaal qaato qaabka tirinta u socota waxaa muuqata in C/weli Muudey uu ku guuleysan doono xilkan.
Goobjooge.com